Daawo Faahfaahinta Hawlgalo laga Sameyey Sh/ Hoose

0
Wednesday April 03, 2019 - 12:29:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Faahfaahinta Hawlgalo laga Sameyey Sh/ Hoose

    Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ayaa Howlgallo lagu baacsanayo Maleeshiyada Argigixisada Al-Shabaab kawada Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ayaa Howlgallo lagu baacsanayo Maleeshiyada Argigixisada Al-Shabaab kawada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Danab ayaa Raashin qeybin ka wada Deegaanada Sabiib iyo Caanoole oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose oo lagala wareegay Argagaxisada.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa sheegay in Howlgalo ay ka sameeyeen Deegaanada ay kala wareegeen Argagaxisada ay kusoo arkeen Hormar la’aan dhinaca Waxbarashada, Biyaha iyo Nolosha qeybaheeda kala duwan, taas oo ku qasabtay ciidanka inay Gurmadka iyo weerarada ay ku baacsanayaan Argagaxisada isku dhinac wadaan.

Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Howlgalada ay sii soconayaan, isla markaana Cadowga loogu tagayo deegaaanda ay ku dhuumaaleysanayaan, wuxuuna Shacabka kaga mahad celiyay sida ay ciidanka ula shaqeynayaa, iyagoo u tilmaamaya meelaha ay u ordayaan Maleeshiyada Al shabaab.



 
Galgala TV