Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo shirguddoomiyay kulan looga hadlayay xasilinta goobaha dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab

0
Monday April 08, 2019 - 13:15:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo shirguddoomiyay kulan looga hadlayay xasilinta goobaha dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab

    Kulankaan waxaa diirada lagu saaray xaqiijinta Amniga deegaanadii ciidanka Xoogga dalka ay ka xoreeyeen maleeshiyada argagixisada ah Alshabaab waxaana ka qeyb galay hey'adaha ka shaqeeya xasilinta iyo dowladaha taageera Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankaan waxaa diirada lagu saaray xaqiijinta Amniga deegaanadii ciidanka Xoogga dalka ay ka xoreeyeen maleeshiyada argagixisada ah Alshabaab waxaana ka qeyb galay hey'adaha ka shaqeeya xasilinta iyo dowladaha taageera Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Fereraalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa soo dhoweeyay howlgalada ciidan ee lagu xoreynayo deegaanada maleeshiyada Al-Shabaab ku sugan yihiin.

"Waxaan soo dhoweynayaa howlgalada ciidanka Xoogga dalka ay ka wadaan gobolka shabeelaha hoose, kaas oo la doonayo in dib loogu xoreeyo deegaanada ka maqan gacanta Dowlada” ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Wasiirka ayaa sheegay inay si degdeg ah ugu shaqeynayaan xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo in la gaarsiiyo adeegyada nolosha dadka muhiimka u ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay safiirada Mareykanka iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya oo uu kala hadlay kordhinta taageerada mashaariicda xasilinta.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka socday Gobolka Shabeelaha hoose howlgalo Ciidanka Xoogga dalka deegaano muhiim ah kaga saareen Maleeshiyadda Al Shabaab,kuwaas oo dadka shacabka ah mudo badan ku dhibaataynayay.

 


Galgala TV