Maxaa Looga Hadlay Shirkii Baarlamaanada ee Garoowe

0
Tuesday April 09, 2019 - 20:50:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Looga Hadlay Shirkii Baarlamaanada ee Garoowe

    Waxaa Maalintii labaad Magaalada Garowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ka socda shirka Golayaasha xeer dejinta ee Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta talooyinkooda looga dhageystay Guddoomiyaasha Golayaasha Xeer dejinta ee dowlada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Maalintii labaad Magaalada Garowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ka socda shirka Golayaasha xeer dejinta ee Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta talooyinkooda looga dhageystay Guddoomiyaasha Golayaasha Xeer dejinta ee dowladaha xubnaha ka ah Dowladda dhexe, waxaana Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad goboleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed "Dhoobo" uu sheegay in Muhiim ay tahay loona baahanyahay in wada shaqeyn dhow ay yeeshaan gudiyada isku shaqada ah ee Golayaasha xeer dejinta iyadoo arinkaas uu hormuud ka noqonaayo Golaha Shacabka ee JFS.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif sheekhuna maye iyo Guddoomiyaha golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele Sheekh Cusmaan Barre ayaa dhankooda balanqaaday in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta iyo iskaashiga Dowladda dhexe iyo Dowladda Goboleedyada si shacabka oo dhan ay dowladnimada u gaarto.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo soo dhaweeyay talooyinka ay soo jeediyeen Guddoomiyaasha Golayaasha Xeer dejinta ee Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in ka gole shacab ahaan diyaar u yihiin in shuruuc walba oo dalka loo sameynaayo laga tala geliyo Dowlad Goboleedyada,iyadoo la tashi iyo iskaashi dhow lala yeelanaayo hadba Guddiga ku shaqada leh.

Ugu dambeyn xildhibaanadii shirka ka qeyb galay oo isugu jiray Golaha shacabka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa talooyin mira dhal ku biiriyay shirka.


Galgala TV