Ra'iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Madaxda Bangiga Adduunka

0
Wednesday April 10, 2019 - 16:39:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Madaxda Bangiga Adduunka

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan kula qaatay magaalada Washington gudoomiye ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan kula qaatay magaalada Washington gudoomiye ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Bangiga adduunka ayaa ka wada hadlay tallaabooyinka waaweyn ee dowladda Soomaaliya u qaadday dhanka dhib-u-habeynta hay’adaha dowladda, gaar ahaa nidaamka maaliyadda dalka. Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday habsami u socodka dadaallada Soomaaliya looga cafinayo deymaha.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa qeyb ka ahaa guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Moxamed Cabdullaahi, Hantidhowrka Qaranka iyo wasiirka maaliyadda.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka, ayaa ka qeyb gelaya shirka Guga oo ay iskugu yimaadaan hay’adaha maaliyadda dunida.

Sanadkaan waxaa jiri doono qeyb u gaar ah Soomaaliya oo lagu gorfeyn doono dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida dunidu uga qeyb qaadan karto kobcinta dhaqaalaha dalka.


Galgala TV