Sh. Faroole oo Xasan ugu Baaqay inuu Fara-Galiyo Xaalada Mudug

0
Wednesday October 26, 2016 - 08:53:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sh. Faroole oo Xasan ugu Baaqay inuu Fara-Galiyo Xaalada Mudug

    C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu soo fara geliyo dagaalka ka socda Gaalkacyo, isla markaana uu yimaado, si loo soo afjaro colaada daba-dheeraatay ee ka jirta magaalad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu soo fara geliyo dagaalka ka socda Gaalkacyo, isla markaana uu yimaado, si loo soo afjaro colaada daba-dheeraatay ee ka jirta magaalada


"Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu yimaadaa Gaalkacyo, waxyaabo badan ayaa jira oo Ra’iisul Wasaaraha maareyn karin kaligiis, waxaa jira tuhumo badan baa jira, waxyaabaha la isla dhex marayaa ee tuhumada siyaasadeed ee jira si ay meesha uga baxaan”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Faroole ayaa intaas ku daran in Colaado Gaalkacyo, Xalinteedu Tahay arrin qaran oo aan labo maamul kaliya aheyn, isagoo xusay in Gaalkacyo ay taariikh ku laheyd dagaaladii sokeeye sida uu yiri.

"Madaxweynaha hadii uusan imaan Gaalkacyo tuhumada jira ayaa waxaa loo qaadan karaa inuu wax ka jiro”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland.

Dhinacyada isku Horfadhiya Gaalkacyo ayaa wali isu adeegsanayaan hubka culus, waxaa magaalada ka barakacay illaa 50 kun oo qoys, kuwaasoo xaalado bani’aadanimo ku heysata deegaanada fog fog, Sida Ay Sheegtay QM.

Waxaana Saaka oo isniin ah halkaasi dib oga bilowday Dagaal U dhaxeeya Dhinacyada Halkaasi isku horfadhiyay ilaa shalay oo xaaladu daganeyd




Galgalanews.com
Galgala TV