[Ex-G.Siciid Xasan Shire] oo Safar Siyaasadeed ku Jooga Dubai

0
Wednesday October 26, 2016 - 08:58:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Ex-G.Siciid Xasan Shire] oo Safar Siyaasadeed ku Jooga Dubai

    Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka PL Siciid Xasan Shire ayaa laba Todobaad ku Sugan Isu-taga Imaaradka Carabta halkaasi oo warraka qaar sheegayaan inuu kula kulmay Siyaasiyiin & Ganacsato Reer PL

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka PL Siciid Xasan Shire ayaa laba Todobaad ku Sugan Isu-taga Imaaradka Carabta halkaasi oo warraka qaar sheegayaan inuu kula kulmay Siyaasiyiin & Ganacsato Reer PL

Faah Faahin dheeraad ah lagama hayo Safarkiisa oo uu kaga soo kacay Bosaaso, hase ahaatee warar Madax banaan baa sheegaya inuu bilaabay olale Siyaasadeed oo Ugub ah kaasi oo lagu doonayo Isbedelka la sugayo 2019.

Siyaaasi Siciid Xasan Shire ayaan Warbaahinta aad looga arkin tan & markii uu Baneeyay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka waxana uu Saldhig weyn oo siyaasadeed ka dhigtay Magaalada Bosaaso.

Siciid Xasan Shire oo markiisi hore ahaa Ganacsade ka hor intii aanu Siyaasada ku soo biirin Dowladihii Somaliya soo maray wuxuu Abaabul xoogan ugu jiraa sidii uu mar kale Dib Saaxada Siyaasada uga soo dhex muuqan lahaa isaga oo is Gaashaan-buuraysi siyaasadeed ka helaya Gobolada PL qaarkood la dhacsanaa Barnaamijkii Siyaasadeed markii uu aha G.Baarlamaanka Puntland.


Dhowr jeer ayaa Madaxweynaha PL Dr Cabdiweli M. Cali Gaas u diray Ergo ah in Golaha Wasiirada lagu soo daro hase ahaatee wuu ka cudur-daartay isaga oo xitaa Baneeyay Xubinimadii Baarlamaanka PL oo loo dhaariyay masuul kale oo Reer Hayland ah.


Galgalanews.com
Galgala TV