[Puntland] Urur Siyaasi ah oo Baaq u diray Madaxda Puntland [Akhri]

0
Sunday December 25, 2016 - 18:05:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Puntland] Urur Siyaasi ah oo Baaq u diray Madaxda Puntland [Akhri]

    Ururka rajo soo celinta Puntland oo ah Urur Siyaasi ah oo Fadhigiisu-yahay Qurbaha wuxuu si adag u canbaaraynayaa Dialka & Shirqoolka lagu hayo Madaxda Amaanka ee Puntland,waxaan u aragnaa dilalkaasi kuwa Qorshaysan oo ay fulinayaan kooxo Nabad d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka rajo soo celinta Puntland oo ah Urur Siyaasi ah oo Fadhigiisu-yahay Qurbaha wuxuu si adag u canbaaraynayaa Dialka & Shirqoolka lagu hayo Madaxda Amaanka ee Puntland,waxaan u aragnaa dilalkaasi kuwa Qorshaysan oo ay fulinayaan kooxo Nabad diid ah oo doonaya inay Gobolka Foodo & Amaan daro ka Abuuraan.

Ururku wuxuu Tacsi marka hore u dirayaa dhamaan Qoysaskii & ehelkii ay ka GeeriyoodeenMasuuliyiin Dilalka si xig-xigay loogu gaystay Magaalada Ganacsi ee Bosaaso, sidoo kale waxaanu Tacsi taasi la mid ah u diraynaa Guud ahaan Shacabka Puntland.

Ururka Rajo soo celinta Puntland wuxuu Gaf, & meel ka dhac weyn, Lumin Masuuliyad daro u arkaa Maqnaanshaha Madaxda Puntland ee ay dalka kaga Maqan-yihiin Mudo Dhowr isbuuc iyada oo Amaankii liicay, waxana uu Ururku soo jeedinayaan in Madaxda Puntland ay Si Deg deg ah u Magcaabaan Guddi isku dhaf ah oo Baadhi Amaan oo Qota dheer ku Sameeyaa Shar-wadayaashii dilay Masuuliyiinta.

Ururka wuxuu doca kale u soo Jeedinayaan Madaxda Puntland ugu Saraysa inay xil adag iska saaraan Sugida & Tayaynta ilaalida Gaarka ah ee Madaxda Gaar ahaan kuwa Amaanka Habeen & Maalin u taagan.

Gaba Gabadii Ururka Siyaasiga ah ee Rajo-Soo celinta Puntland wuxuu soo jeedinayaa Dhowr Tallo ah oo Dhaxal ga ah.

1- In la Magcaabo Guddi deg deg ah oo Saraakiisha Amaanka ka dhex Muuqdaan si dhowna ula socda dilalka & Meesha ay Salka ku hayaan isla markaana Cadaalada la hor keeno si Dhakhso ah kuwii Dilalkaasi soo Maleegay.

2-In Mushahar Dheeraad ah & Gunooyin loo qoro Ilaalooyinka Gaarka ah ee Madaxda Laamaha Amaanka si ay Sahal ugu noqoto inay Shaqo Maalmoodka Gudtaan.

3- In la helo Guddiyo Madax-banaan oo ka Kooban Bulshada qaybaheeda kala Gadisan oo Booliska kala shaqeeya sidii Amaanka layska Kaashan Lahaa.

4- In la tayeeyo War-doonka & Laamaha Nabad-Sugida PL oo ay ka Muuqato Habac-sanaan Baahsan & Tayo La'aan dhanka qalabka & dhaqaalahaba ah.

5- In xil adag layska saaro Masuuliyada Qoysaskii ay ka Geeriyoodeen Madaxdii Qaranku oo ah kuwa Geeriyooday iyaga oo Shacabka u adeegaya.

Afhayeenka Xisbiga Jaamac Feyte


USA TX


Galgala TV