[Jawaab:] Yaa taariikh madow: Ma Ilma Uurcad mise Xildhibaan Caasha Cabdalla

0
Thursday January 19, 2017 - 02:33:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Jawaab:] Yaa taariikh madow: Ma Ilma Uurcad mise Xildhibaan Caasha Cabdalla

    "Doqon baan tolnimo iyo aqoon wax istusaalayne Sokeeyahay u tookhdaa kolkay ficil timaaddaaye Shisheeyahana way taabacdaa waa temedisaaye Ninkii tuug ahaan jirey gacantuu yarehe tuujaaye Ilma Uurcad waxay tabanayaan taa la garan waaye Taari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Doqon baan tolnimo iyo aqoon wax istusaalayne Sokeeyahay u tookhdaa kolkay ficil timaaddaaye Shisheeyahana way taabacdaa waa temedisaaye Ninkii tuug ahaan jirey gacantuu yarehe tuujaaye Ilma Uurcad waxay tabanayaan taa la garan waaye Taariikh madow yaa lahaa tiimbaraa koraye?"

Hordhac:- Bogga Allsanaag.com oo ay daadihiyaan Siciid Uurcad iyo Khaalid Uurcad ayaa muddo dheer ahaa mid loogu nacamleeyo hadba maammulka Puntland ka shaqeeya. Illaa iyo 2006-dii, duco iyo ammaan bay u hayeen Majeerteen, laakiin wax xil ah waa kuwaayeen. Waxay ku jaa’ifeeyaan sheekooyinka aan macnaha weyn xambaarsanayn dadka wax galka ah ee ka soo jeeda degaannada Maakhir. Dhowaan maqaallo lagu aflagaadaynayo Xildhibaan Caasha Cabdalla oo cinwaan looga dhigay Taariikh Madow ayaa indhahayga aad u soo jiitey. Waxa layaab leh Ilma Uurcad oo budhcadbadeed ahaa; maal gelin jirey; qoyskooda 6 ruux oo ka mid ah, oo uu ku jiro adeekood Barre, ay ku xidhan yihiin jeelka Norvork Virginia, Maraykan. Dadkan oo dabinkii Siciid iyo Khaalid geliyeen weli ku jira, xabsi daa’in iyo illaa 30 sano qaar lagu xukumay, cidi wax ma ka ogtahay? Waxa xusid mudan Marwo Xildhibaan Caasha Cabdalla, muddo ayay u dacwoonaysey dadkaa ehelka ah ee dabinka la geliyey sidii looga soo deyn lahaa xabbiska ay ku jiraan. Waxay ku booqatay jeelka wiilasha iyo odayga meeshaa ku xidhan. Waa la ogaa in Siciid Uurcad Garoowe u fadhiyey 6 sano MJ, laakiin loo diidey inuu xil ka qabto maammulka Puntland iyadoo lagu xiriirinayey falal budhcad badeednimo ah. Horaa loo yiri, "qofkii guri dhalo ah ku jiraa, deriska yuu dhagxin,” waa arrin daaha ka qaadaysa qoraalkaygani bal cidda ‘taariikh madow’ in wax layska weydiiyo.


Kolka hore, Xildhibaan Caasha oo lagu aflagaadeeyey qoraalkaas bal aan taariikhdeeda yar milicsanno. Xildhibaan Caasha Cabdalla muddo 12 sannadood ah ayay ka tirsanayd Baarlammaanka Soomaaliya 2000 – 2012-kii. Muddadaa iyada ah, waxay ahayd shakhsi ku caana xalaalnimo, waddaninnimo iyo u doodidda degaanka ay ka soo jeeddo ee Maakhir iyo guud ahaan Soomaalida. Iyada iyo Cawad Cashara waxay taariikhda ka galeen baal dahaba. Waxa tusaale kuu ah, maalinkii laga beddeley baarlammaanka ayaa u dambeysey cid dambe oo u doodda xaquuqda dadka reer Maakhir. Waxaynu aad u xasuusannaa dagaalkii iyo dedaalkii ay u gashay in kuraasta baarlammaanka reer Maakhir loo kordhiyo, iyadoo lagu aammusin jirey reer Maakhir 3 kursi, sidii Carta lagu ismay. Shirkii 2004-ta ee Embaghathi, Kenya ka dhacay, ayay xusul duub iyo dedaal u gashay in dulmiga reer Maakhir saaran laga qaado, iyadoo gudbisey in reer Maakhir xaq u leeyihiin 8 xildhibaan, aakhirkiina markii UN-ta iyo beesha caalamku arrinka galeen, laga dhigay 5 xildhibaan. Waxan si dhab ah xasuusannaa iyada iyo xukuumadihii dalka soo maray, weliba Cawad Cashare oo marwalba ku mawqif ahaa, ay dedaal ugu muujinaysey in marwalba dadka reer Maakhir xaquuqdooda helaan. Waxan soo qaadan karnaa dagaalkii Majayahan 2006-2009-kii macdanta Dhalan iyo Majayahan ka billowday. Wakhtigaas Xildhibaan Caasha iyo Cashare waxay ka sheegganaayeen warbaahinta maxalliga iyo tan caalamiga ah iyagoo xukuumaddii Cadde Muuse ee malaysiyada degaanka dagaalka kula jirey, daaha ka rogey. Aakhirkiina markii tiro dad ahi dhinteen, Puntland meesha dib uga soo guratay. Arrintaasi guul weyn bay ahayd oo ay soo hooyeen Cashare iyo Caasha Cabdalla. Walo markii dambe arrintii dantay, loogu tiimbareeyey degaannadii colaaduhu ka dheceen mid argagixiso salka dhigatay, mashruuca Galgala noqday mid looga aar gudanayey beesha Warsangeli, arrintaa dad badan oo ah siyaasiyiinta dambe ayaa gacan ku siiyey Majeerteen inaan degaanno Warsangeli mashruuc ka dhigtaan, oo adduunka lacag uga raadsadaan. Mashruucaasi wuxu ku dambeeyey Qandala ileyn waatii hore loo yiri, "bud walaal ha qodin, haddaan qoddidna ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogide,” odhaah Soomaaliyeed. Maanta Boosaaso, Qandala, Qardho, Garmaal, Suuj iyo Garacad ayaa noqday .
‘argagixiso hoygeed.”





Laga soo bilaabo tan iyo intii Xildhibaan Caasha baarlammaanka laga beddeley, dadkii lagu beddeley kooxdeedii 2012-kii xataa maalin qudha codkooda lama maqal. Waxay noqdeen kuwa calooshood u shaqaystayaal ah, oo dano shakhsiyadeed ku beddeshey dantii ummadda. Sababta ayaa ahayd kuraasta oo ahaa kuwa ay iibsadeen isimmo caana oo degaanka ka soo jeeda. 4-tii sano ee xukuumadda Xasan Sheekh weli meel lagu hadal hayo degaammada Maakhir ma aynaan maqal, 5-taa xildhibaanna ee haddana dib loo soo celiyey waxay ka mid yihiin kooxda baarlammaanka magaca kula dhex baxday ee ‘ku shubo’ loo yaqaan.

Xildhibaan Caasha dedaalkii dheeraa halkii bay ka sii waddey iyadoo Nayroobi Kenya deggan. Waxay horseed ka noqotay dad masuuliyiin ah oo bishii May 15-keedii 2016-kii kaga dhawaaqay halkaa Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, oo Cali Axmed Faatax Madaxweyne loogu doortay. Waxay isku hawshay in gobollada Sool, Sanaag, Haylaan iyo degaanka Buuhoodle midoobaan oo dhistaan hal maammul, hawshaasina walo ay adkayd, waa mid weli socota dhabbadeediina muuqato, maalin maalinta ka dambaysa rajadeedu soo bidhaamayso. Waxay wada xaajood la galeen maammulka Khaatumo ee oday Cali Galaydh gadhwadeenka ka yahay; waxay soo jiiteen dad aad u fara badan oo degaammadaas ka soo jeeda. Walow Cali Khaliif ka shakiyey in isaga xilka laga qaaday, sida ay ku baaqaan beesha Dhulbahante, haddana waa arrin u baahan qodax bixinteeda iyo sii amba qaadiddeeda. Sababta u weyn ee maammul gobolladaas ka tisqaada loogu baahan yahayna waa a) waa isku duruuf b) waa isku cadow c) waa dad wada dhashay d) siyaasad ku midaysnaan jirey waayo hore e) degaan iyo daaqba wadaaga.

Dhammaadkii sannadkii 2016-ka ka dib markii lasoo gaadhey dawlad Soomaaliyeed oo dib loo dhiso. Xildhibaan Caasha waxay ku dedaashey, iyada Cali Axmed Faatax, inaan marnaba xildhibaannada Sanaag iyo Sool la soo marsiin Garoowe iyo Hargeysa. Waraaq ayay u gudbiyeen xukuumadaa Xasan Sheekh iyo Xafiiska UN-ta u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya ee SRSG, Micheal Keating hoggaamiyo hadda. Arrintaas waxa kala jebiyey maammulka Puntland oo isticmaalay xildhibaannadii ku shubo iyo dad kale oo dhuuni qaatayaal ah kuwaasoo sababay in baarlammaankii Sool iyo Sanaag la qaybsado oo Puntland qaar magcaabato qaarna Somaliland magcaabato. Sidaasi markay dhacday, wada xaajood dheer, Xildhibaan Caasha waxa u muuqatey in Cabdi Weli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid iibsadeen aayihii iyo karaamadii dadkeeda. Dacwo ayay ka gudbisey, illaa haddana socota. Hase ahaatee, Puntland waa u suura gashey riyadeedii ahayd in iyana dadka sheegato, dalkana ay Somaliland sheegato, walow ay adag tahay inay ka guul gaaraan hadimadaas qaawan. Markii Puntland kuraastii baarlmaanka aqalka hoose iibkii isimmada mar labaad u tiimbaraysay, haddana 3 xubnood oo aqalka sare ah 1 Maakhir 2 Sool ayay ku dhawaaqday. Waxay kaloo xawishey kuraas degaanka maakhir leeyahay ku xawishey Jubbaland si loogu musuqmaasuqo oo dad ay soo dirsatay halkaa uga soo baxaan, iyadoo lagu khatalayo in dadka halkaa deggan kuraasidaa loo qoondeeyey. Xildhibaan Caasha iyo intii ku mawqifka ahayd waa ka daba tageen kuraasidaas Kismaayo lagu qarsanayey laakiin waxa ka hiiliyey maammulka Axmed Madoobe oo ku gacan siiyey dad qalatada Puntland ka talisaa inay kuraastaa siiyaan dadkay la rabeen. Wixii intaa ka dambeeyey Xildhibaan Caasha waxay kusoo noqotay Muqdisho, waxayna dacwo u gudbiyeen Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Fadaraal. Guddiga ayaa amray in la soo celiyo dhammaan kuraastii gobolka Sanaag. Arrintaa waxa curyaamiyey ka dib markii kuraas badan laysku qaqabsaday gaar ahaan qisadii ‘8-da xildhibaan’ ee la magcaabay, la celiyey, haddana dib loo magcaabay. Taasi waxay keentay in baarlammaan musuq iyo laaluush ku yimi la dhaarsado. Waxa xigtey in Somaliland dillaalada Xamar u fadhiyaa yiraahdeen 11-kii kursi ee Aqalka Sare Gobollad Waqooyi lagu ismay, sheegay inaanay Sool iyo Sanaag waxba ku lahayn. Arrintaas oo dacwo saddex geesood ah furtay: Puntland iyo Somaliland oo 3 kursi isku haya, hoosna heshiis ka ah; Guddiga doorashooyinka oo ka biya diidey isku dayga damaca huwan; iyo dadka degaammadaas ka soo jeeda oo Caashi hoggaaminaysey inay warbaahinta la hadlaan. Wada hadal ka dib iyo ismari waa Xildhibaan Caasha waxa u muuqatay inay xaqeedii gilgilka qabsato oo Somaliland gole kula loollanto, iyadoo muujisay in kuraasta gobolka Sanaag 2 ay leeyihiin dadka Reer Maakhir oo ⅘ ka deggan gobolka. Horaa loo yiri ‘qaybiye ama qaaday ama qaybiye,’ habeennimadii ayaa kursigii Damjadiid u gadeen Islaan Muuse Tuurwaa ah oo la yiraahdo Nuura Faarax Jaamac taasoo u dhaxday fannaanka reer Jareer Weyne ee Maxamed Cumar Dalxa. Waxa layaab leh, kursiga xataa Cumar Qaaddi oo Cabdalla Xaammud ah ma helin haddiiba ay Muuse Ismaaciil loo saaro. Xaqdarradii meeshaas ka dhacday oo Xasan Sheekh, Dalxa iyo Damjadiid lugta ku lahaayeen, hadda dacwaa ka furan oo maxkamad bay arintaasi ku socotaa. Waana la kala ogaan doonaa in Xildhibaan Caasha xaq u leedahay iyo beesheeda kursigaas iyo Isaaq 2 kursi ka qaadan karo gobolka Sanaag. Waxa kale oo ku lammaan kursi Buuhoodle laga dhacay oo isna dacwo ka taagan tahay.

Haddaba haddaan u soo noqdo Ilma Uurcad iyo qoraalka af-lagaaddada ah ee ay ka qoreen Xildhibaanka sharafta leh. Waxa cad Ilma Uurcad oo markhaanti iyo meeljoog ah inay ahaayeen kuwii budhcad badeedda gobolka Sanaag ka aasaasay. Waxay ahaayeen maalgeliyayaashii halligay dhallin iyo cirroole badda sixiimado la galay si ay u soo afduubtaan maraakiib shisheeye. Waxay dillaaleen dhawr jeer maraakiib iyo doonyo dhawr jeer laga soo afduubay badda si sharci darro ah. Waxan haynaa dukumentiyo caddayna oo maaddaaba ay Ilma Uurcad ku noolyihiin Ingiriiska iyo Canada, lagu soo taagi karo maxkamad. Waxan booqannay eheladoodii jeelasha Maraykan, Moldives iyo India ku xidhan oo adeerkood ku jiro. Haddii ay deyn waayaan aflagaaddada iyo kaba qaadnimada, waxa xaqiiqa inaan macluumaadkaas u gudbin doonno khubarada baadha dembiyada budhcad badeedda.

Qoraalkani waa digniin iyo wax tusaalayn, haddii kale tolnimo waa layska tegi doonaa, ceebaha qofkii lehna waa muuqan. Waxan kale oo bulshada reer Maakhir ku wargelinaynaa inaanay booqan bogga Allsanaag.com ee majeerteenka adeegaha u ah. Waxa jira bogag fara badan oo xogta degaankeenna kala socon kartaan sida kuwan hoos ku qoran:


www.lasqoray.com

www.arrimaha.com
www.galgalanews.net
www.waqooyibari.net

Mahadsanidin.

Maxamud Axmed
Email: maash68@gmail.com


Xigasho:- Lasqoray.com




Galgala TV