|
||||||
![]() Aadan Baroow oo Senegal lagu Dhaariyay
Waxaa si rasmi ah xilka madaxweynenimo loogu dhaariyey madaxweynihii dhawaan la doortey ee dalka Gambia Aadan Baroow, waxayna dhaarta ka dhacday safaarada Gambia ay ku leedahay dalka Senegal halkaasi oo u qaxay kadib markii madaxweynihii hore Yaxya Jaamac uu diidey in uu xilka ka dego.
Ciidamada Senegal ayaa la sheegey in ay u dhaqaaqeen dhanka xudduuda Gambia si ay xoog awooda oga qaadaan Yaxya Jaamac, islamarkaasina kursiga u saaraan Aadan Baroow. Talaabadan waxaa isku raacay wadamada la’isku yiraahdo ECOWAS ee suuqa xorta ah leh, waxayna sheegeen in ay ka quusteen wadahadaladii dublamaasiyadeed ee la doonayay in lagu qanciyo Yaxye Jaamac. Yaxye ayaa diidey in uu xilka ka dego, wuxuuna sheegey in natiijada doorashada ay ahayd mid la qalday, tahayna in doorashada lagu celiyo. GALGALANEWS.COM |
|
Nagala soo xiriir: info@galgalanews.com |
Copyright © 2009 - 2019 Galgala News Media All Rights Reserved. |
Aadan Baroow oo Senegal lagu Dhaariyay
Waxaa si rasmi ah xilka madaxweynenimo loogu dhaariyey madaxweynihii dhawaan la doortey ee dalka Gambia Aadan Baroow, waxayna dhaarta ka dhacday safaarada Gambia ay ku leedahay dalka Senegal halkaasi oo u qaxay kadib markii madaxweynihii hore Yaxya J