"Shariif Axmed Madaxweynaha Dalku waa Aniga"

0
Friday January 20, 2017 - 04:34:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Shariif Axmed Madaxweynaha Dalku waa Aniga"

    Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegey in madaxweynaha soo socda uu isaga yahay, hubana in 100% uu guuleysan doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegey in madaxweynaha soo socda uu isaga yahay, hubana in 100% uu guuleysan doono.


Mr Shariif ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka la musuq maasuqay, isla markaana dhaqaalaha ka soo gala dekeda Muqdisho, garoonka diyaaradaha iyo meelaha kale ee canshuuraha aan loo isticmaalin wadadii saxda aheyd.

Waxaa uu sheegay in Amniga dalka aanan marnaba laga shaqeyn, isla markaana magaalada Muqdisho ay tahay mid kala xirin, oo dadka aanay meel aadi karin, isagoo xusay in taas ay cagsi ku tahay Lixdii Tiir ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Mar uu ka hadlayay dib u dhacyada dhowrka jeer ee ku yimid Doorashada Madaxweynaha ayuu xusay in ujeedada dib loogu dhigayo ay tahay in dhaqaalaha laga dhameeyo Musharaxiinta kale ee tartanka ku jira, isla markaana la daalayo.

"Maalin walbo Muddo ayaa la qabtaa ilaa iyo hadda lama hubo waqtiga ay dhaceyso doorashada, ma is weydiisay waxaan oo dhan waxeey u dhacaayaan, waxaan u maleeynayaa Kursiga waa la jeclaan karaa laakiin waxaa la rabaa sharci kaliya, madaxna waxaa laga rabaa wixii ay ballan qaaday ineey ku dadaasho”ayuu yiri musharax Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in inuu ku han weyn yahay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya afarta sano ee soo socota, isagoo tilmaamay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay Musharaxiin ku soo saarteen qaab musuq maasuq ah, balse uu isaga codkooda leeyahay.

"Rajada aan ka qabo inaan Madaxweyne noqdo waa 100%, Madaxweynaha soo socda waa aniga taas ku tala gala, Madaxweyne Xasan Sheekh lacagta waa bixiyay laakiin codka anigaa leh”ayuu yiri Musharax Sheekh Shariif oo hadalkiisa ka muuqatay ka hor-dhicid ka hor natiijada doorashada Madaxweynaha oo aan la ogeyn cida ku soo bixi doonta.





GALGALANEWS.COM
Galgala TV