[Puntland & Mudo-kordhin]

0
Friday May 11, 2018 - 09:38:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Puntland & Mudo-kordhin]

    Mudo-kordhin... Madaxweynaha Puntland Dr Abdiweli M Ali Gaas oo Xafiiskiisa inta uu Joogayaa ay u hadhsan-tahay 8-Bilood ayaa olole xoogan ugu jira inuu Sameeyo Mudo-kordhin xukuumadiisa loo sameeyay oo aan la cayiman inta ay gaadhsiisantahay walow w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudo-kordhin... Madaxweynaha Puntland Dr Abdiweli M Ali Gaas oo Xafiiskiisa inta uu Joogayaa ay u hadhsan-tahay 8-Bilood ayaa olole xoogan ugu jira inuu Sameeyo Mudo-kordhin xukuumadiisa loo sameeyay oo aan la cayiman inta ay gaadhsiisantahay walow wararka qaar sheegayaa Mudo Sanad ah.

Warar hoose ayaa sheegaya in M.weynuhu Magaalada Qardho ku arkay Booqr Burhaan B.Muuse isla markaana uu ka codsaday inuu taageero qorshaha Mudo-kordhinta xukuumada balse Boqorka ayaaka Gaabsaday taasi isaga oo sabab uga dhigay in dalku Qalalaase Siyaasadeed Gali-karo, wararku wuxuu sheegayaa in Madaxweynihu Cara-baabay inuu kalsooni ka hayso Isimada PL qaarkood & Baarlamaanka.

Markii uu Garoow soo gaadhay wuxuu la kulmay oo Casho laysku arkay Madaxtooyadu qabatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Ali Xaashi oo ay Beryahan kala Dabar-Furteen Mudane Gaas dhanka Siyaasada isaga oo kala hadlay Laba Qodob- 1- Mudo-korddhin 2- Magcaabista Guddiga Doorashada Xalinta Khilaafaadka oo ka 7-Xubnood, lama saadaalin karo guusha Shirkkooda hase ahaatee qof aan Garoowe kala hadlay oo aad ugu dhow-dhow Madaxtoooyada wuxuu sheegay in Madaxweynaha & Gudoomiyaha Baarlamaanku isla meel dhigeen in Go-Gosha la balaadhiyo isla markaana Xubnaha Baarlamaanka Pl & Isimada qayb laga siiiyo.

Doorashada Puntland Wajiyo badan Sanadka.....

Doorashada PL ayaa wajiyo badan leh Sanadka kana Xamaasada Badan Doorashooyinkii hore marka loo eego Olalaha Gudaha & Fara-galinta Dowlada Dhexe oo riixaysa Musharaxiinta qaarkood in kastoo aan la hubin ilaa haata cid Si toos ah ay u Badhi-taarayso Villa Somalia.

Xiisada Xuuudaha PL & Somaliland!!

Dadka ayaa Sadaalinaya in Dagaal ka qarxi karo Somaliland & Puntland oo u Muuqata mid weli labada dhinac is hor-fadhiyaan taasi oo Dr Gaas oo Sabab uga dhigayo Mudo-kordhinta in Gobolada Maqan la soo celinayo.



Galgalanews.com


Galgala TV