Jamac Feyte oo Maraykanka ka shaaciyay inuu yahay Musharax Puntland [Waraysi Muuqaal]

0
Sunday May 13, 2018 - 03:53:35 in Wararka by Galgala News
  • Visits: 2347
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamac Feyte oo Maraykanka ka shaaciyay inuu yahay Musharax Puntland [Waraysi Muuqaal]

    .Jaamac Ayaanle Feyte oo ah saxafi/siyaasi ruugcadaa ah, kana soo jeeda gobolka Sanaag ayaa ku dhawaaqay inuu musharax u yahay kursiga ugu sareeya dowlad goboleedka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.Jaamac Ayaanle Feyte oo ah saxafi/siyaasi ruugcadaa ah, kana soo jeeda gobolka Sanaag ayaa ku dhawaaqay inuu musharax u yahay kursiga ugu sareeya dowlad goboleedka Puntland.
wuxuu sheegay inuu Boqolkiisa Maalmood ee uGu horeeya uu Dastuurka Puntland dibu Furid ku Samaynayo si Cadaalad loogu qaybiyo Beelaha Puntland oo qaarkood Saluugsan Hanaanka Maamulkaasi loogu hashiiyay Sanadkii 1998-
Xaalada Gobolka Sool ayuu xusay inuu marayo Jid ka duwan kan haatan ay u mareeyeen Siyaasiyiinta Xafiiska Joogtaa oo ah Duulaan & Dagaal hase ahaatee wuxuu cara baabay inuu Furayo Shirweyne dadkaasi loo qabanayo & wada hadal laga galayo Gobolada Maqan iyada oo talada dib loogu celinayo Shacabka Gobolkaasi.
Baarlamaanka cusub ee PL ee sandadka 2019 ayuu sheegay inuu Fariin u dirayo Isimada PL inay soo xulaan Baarlamaan wanaagsan oo Dalka bad-baadiya isla markaana ay ka fogadaan Fara-galinta Musharaxiinta.


Wareysi uu Feyte siiyey Galgalanews ayuu ku sheegay inuu wax badan ka bedeli doona systemka dowlada goboleedka Puntland. Waxa kale oo uu soo dhaweyeey heshiiskii shirkada DP-World ay la gashay Puntland.

Hoos ka daawo wareysiga musharax Feyte oo dhamaystiran.


Galgala TV