Puntland:- Dr Gaas & Camey oo isku khilaafsan xaalada Tuka-raq

0
Saturday June 09, 2018 - 08:36:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Puntland:- Dr Gaas & Camey oo isku khilaafsan xaalada Tuka-raq

    Garowe- Madaxweyne ku xigeenka PL C/xakiin Xaaji Cumar Camey & M.Weynaha PL Cabdiweli M.Cali Gaas ayaan dabka kala qaadan mudo waxana khilaafkoodu curtay markii Dowlada Somaliya Baarlamaankeedu soo saareen bayaan ah in Shirkada DPworld laga mab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garowe- Madaxweyne ku xigeenka PL C/xakiin Xaaji Cumar Camey & M.Weynaha PL Cabdiweli M.Cali Gaas ayaan dabka kala qaadan mudo waxana khilaafkoodu curtay markii Dowlada Somaliya Baarlamaankeedu soo saareen bayaan ah in Shirkada DPworld laga mabnuucay Guud ahaan Somaliya taasi oo Madaxweynaha PL uu aad uga cadhooday.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa la saftay Villa Somaliya oo uu xidhiidh wanaagsan ku leeyahay uuna kaga aragti duwan-yahay Madaxweynaha waxana warkaasi soo shaac baxay markii Madaxweynaha PL uu ka soo laabtay dubai Safar uu ku gaadhay.

Ilo wareed  lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka PL oo garab ka helaya Villa Somaliya & Baarlamaanka PL qaarkiis ay aad u taageerayaan Go'aankii Baarlamaanka Somaliya.


Docda kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku dadaalaya in Gobolka Sool gacanta PL lagu soo celiyo xili Lix bilood ay xafiiska uga hadhsan  tahay halka Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas uu xusul duub ugu jiro mudo kordhin loo sameeyo xukuumada inta xaalada Gobolka Sool taagan-tahay.

Shacabka PL ayaa ku war-helay markii Madaxweynaha PL uu shirkii Amniga qaranka ee Baydhabo ka soo laabtay in  aanu dadkii soo dhaweeyay ku jiirn Madaxweyne ku xigeenku waxana Madaxweynaha soo dhaweeyay Afhayeenka Baarlamaanka & labadiisa ku xigeen.

Mr Camey ayaa taageero badan ka helay reer Sool & guud ahaanb Reer PL markii uu si cad uga hadlay xaalada Gobolka uuna tegay Magaalada Buuhuudle oo uu asal  ahaan ka soo jeedo.

Dadka ayaa siyaasada lafa gura ayaa leh Madaxweyne Dr Gaas wuxuu duur bidayaa in xaalada Sool lagu dhameeyo is fahan isla markaana Beesha Caalamku ay garwadeen ka noqoto isaga oo doonaya in Ciidmada PL ay dib ugu soo laabtaan Tuka-raq halka Somaliland ay dib ugu laabanayso Gan-badhe oo ahyd  Saldhigoodii hore.



GALGALANEWS.COM
Galgala TV