[Somaliand] "Muuse Biixi "Cabudhin baa nagula-ku hayaa"

0
Wednesday June 27, 2018 - 08:43:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Somaliand] "Muuse Biixi "Cabudhin baa nagula-ku hayaa"

    Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo "maamul goboleedyadeeda" ku eedeeyey inay ku wadaan 'weerar iyo cunaqabatayn'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo "maamul goboleedyadeeda" ku eedeeyey inay ku wadaan 'weerar iyo cunaqabatayn'.


Wuxuu ka jawaabayey go’aankii ay maamul goboleedyada Soomaaliya ku raaceen dawladda federaalka ee ahaa in aan si gaar ah loola macaamilin Somaliland marka laga hadlayo deeqaha caalamiga ah.

Wuxuu hadalka ka jeediyey munaasabad saqdii dhexe ee xalay lagu qabtay Hargaysa, oo lagu xusayey 26 Juun.

"Markii aan xorriyaddeenni soo ceshannay 1991, iyo 28 sano oo ka dambeeyeyba, waxay nagula jireen dagaal iyo cunaqabatayn ay u dambaysay taa maanta socota oo ah weerar colaadeed oo aan kala har lahayn, iyo in waliba waxa lagu caawinayo Somaliland ay caalamka yiraahdaan lama caawin karo” ayuu yiri Muuse Biixi.

"Waxaan isu kaaya qabanayn ‘Soomaali ha midowdo, midnimadu waa muqaddas, Soomaali ma kala maaranto’ iyo 'xabbadda waan kugu garaacayaa, caalamka hadduu ku caawiyana ma ogoli’ labadaasi isuma kaaya qabanayaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Muuse Biixi.




Xigasho BBC


Galgala TV