"[Juxa Sadex-dhar-dhaar Puntland laguma qaybsan" [Waraysi Deperani Media]

0
Wednesday June 27, 2018 - 09:22:05 in Wararka by
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "[Juxa Sadex-dhar-dhaar Puntland laguma qaybsan" [Waraysi Deperani Media]

    Wasiirkii Arrimaha Gudaha ahaana W.waxbarashada ee Dowlada PL Abdi Farah Juxa ayaa waraysi xasaasi ah siiyay Wakaalada Deperani Media isaga oo Magaalada Garoowe jooga tan & markii uu xilka baneeyay waa waraysigii ugu horeeyay ee uu bixiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii Arrimaha Gudaha ahaana W.waxbarashada ee Dowlada PL Abdi Farah Juxa ayaa waraysi xasaasi ah siiyay Wakaalada Deperani Media isaga oo Magaalada Garoowe jooga tan & markii uu xilka baneeyay waa waraysigii ugu horeeyay ee uu bixiyo.
"Aniga Farmaajo ayaa isoo wacay anigoo Garoonka Gaalkacayo jooga oo xamar ku socda markaa Farmaajo Musharax buu ahaa Nairobi buu joogay nala shaqee ayuu yiri Musharax baan ahay waxana uu rabay inaan waxbarashada kala shaqeeyo dhowr jeerna waan kulanay laakiin markii la guulaystay qaabka wax lagu qaybsado aayan fursad isiin in lay magcaabo" ayuu yiri.


Wuxuu sheegay in sababta uu eersaday in uu xilka waayo ay tahay shaqadii aan ka cayriyay Agaasimihii waxana la arkay sida Raisalwasaaruhu uu uga jawaabay markaa meelahaasi ayaa ka mid ah meelaha laygu maagay" ayuu yiri Wasiir Juxa.


Sidoo kale arimihii dhiibistii Qalbi dhaxa ayuu xusay inay ka mid tahay sababaha uu xilka u waayo " arinta Qalbi dhagax aad baan feker ugu dhiibtay waana xusi karaa inay taasi ka mid ahay meelaha layga soo dhacay" ayuu yiri.

Juxa waxa uu ka goos-gaabsaday inuu sheego Musharaxnimadiisa hase ahaatee wuxuu qiray docda kale inuu hami siyaasadeed qabo waxa uu cadeeyay inuu ka mid yahay Kooxda Puntland  FocuGroup oo uu sheegay inay leeyihiin hami siyaasadeed ayna tiradoodu dhan tahay 10- Musharax.

Dagaalka Gobolka Sool ayuu mowqifkiisa uu ka qabo uu cadeeyay isaga oo sheegay in PL Madaxda & Baarlamaankaba  loo doortay inay dalka difaacaan in kastoo uu ka leex leexday inuu usha ku mudo in Somaliland ku soo duushay xuduudaha PL

Waxa uu beeniyay inay PL saded-dhar-dhaar wax lagu qabysado oo ah sheeko ay dad badani qabaan in PL hogaankeeda ay  tahay Qori-isu dhiib Mudo badan soo socday hase ahaatee Juxa ayaa beeniyay taasi.



GALGALANEWS.COM










Galgala TV