Boorama ilaa Tuka-raq! [Faallo kooban]

0
Monday July 09, 2018 - 05:47:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boorama ilaa Tuka-raq! [Faallo kooban]

    Axmed Ismail Samatar oo Reer Boorama ah ayaa dadka aad ula yaaban-yihiin ujeedkiisa Tuka-raq oo ah doolal aan loo meel dayin! dadka ayaa leh Ninka Samaroon ee Luhaya ilaa Boorama ka soo Sadcaalay maxay-tahay sababta ku kalifaysa inuu isku soo sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Ismail Samatar oo Reer Boorama ah ayaa dadka aad ula yaaban-yihiin ujeedkiisa Tuka-raq oo ah doolal aan loo meel dayin! dadka ayaa leh Ninka Samaroon ee Luhaya ilaa Boorama ka soo Sadcaalay maxay-tahay sababta ku kalifaysa inuu isku soo sawiro tuka-raq!



Haddaba sababta ku xanbaartey Prof. Samatar in uu qayb ka noqdo dagaalka Tukaraq ayaa la aaminsan yahay in ay laba arrimood ay keentay mid isaga ka timid iyo mid laga codsadey.
  1. Dagaalka Tukaraq ka socda iyo duulaanka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi soo qaadey 8 Janaayo ayaa lagu shaabadeeyey in ay yihiin mid ay wadaan laba beelood oo kamid ah Somaliland kuwaas oo samaystey dalada Jeegaan, haddaba si wax looga beddelo fikirkaas caalamkana loo tuso in dagaalka loo dhan yahay ayaa Madaxtoyada Hargeysa ku qal-qaalisey Prof. Samatar in u ciyaaro kaarkiisi u danbeeyey.
  2. Arrimnta labaad ; waxaa jira tuhun weyn oo hoggaamiyaasha Somaliland ka qabaan Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo 70 sano ku gaarey ka soo horjeedka qaddiyadda Somaliland, waxaana uu qoraalo badan iyo dacwadoba ka sameeyey xasuuqii jamhadda SNM ay ka geystaey gobolka Awdal, haddaba maadaama muddo saddex sano ah uu uu ku sugnaa Somaliland wax xil weyn ah aanu qaban ayuu u arkaa fursaddii u danbeysey ee lagu aamini karo in qaddiyadu ka dhab tahay uuna ka qayb-qaatey dagaalkii ka socdey jiida Tukaraq.

Waxaa is weydiin mudan, maadaama beesha Dhulbahante ay u arkaan cidanka Somaliland iyo wakiilnimada Beesha Hargeysa sheeganayso xuduudka mid ka dhan ah jiritaankooda, dadnimadooda iyo kala lahaanshaha dhulka waxaana la is weydiinayaa farrinta Axmed Ismaaciil u dirayo beeshaas, dhaxalka ay ku reebi donto ka qayb-qaadashada dagaalka Tukaraq ee uu maanta deeqda geeyey.

Prof. Samanter oo noqdey Bare Jaamacaedeed, ahaa nin furfuran oo ka qaybqaata doodaha Soomaalida, mararka qaarkood kabanka ciyaara oo leh cod debecsan, noqdey Xildhibaan Soomaaliyeed, noqdey Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya, kadibna dib ugu noqdey fikirki uu diidanaa muddada dheer ee kala goynta dalka Soomaaliya, waxay maanta ka mareysaa in xayn adhi ah uga qayb-qaato dagaalka Tukaraq.



Bahasha Sagaarada la yidhaahdo baa waxa la yidhi Saaladeeda/Xaarkeeday hal meel ku tuumisaa ama ku ururisaa, iyadoo rabta inuu ku turun-turoodo Maroodi ay daanno-godobeed kala gaadhey, Aano iyo Utumona Kala dhex yaallaan sidaas na kaga aarsato!
Sagaaro Cadaawad na muujisay, Saalo la tuumiyaase Maroodi waxba yeeli weyday!.

-Talo xumo daraadeed
-Atoor tuumi Saalada
-Haku turun-turooduu is yidhi
-Awr tabaadiya!


 



GALGALANEWS.COM
Galgala TV