Raisalwasaaraha Ethiopia oo Gaadhay Asmara [VIDEO]

0
Monday July 09, 2018 - 06:04:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raisalwasaaraha Ethiopia oo Gaadhay Asmara [VIDEO]

    Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka degay dalka Ereteeriya magaalada Casmara. Booqashadan ayaa ah mid lagu hagaajinayo xiriirka labada dal ee cadaawadu ka dhexeysey muddada dheer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka degay dalka Ereteeriya magaalada Casmara. Booqashadan ayaa ah mid lagu hagaajinayo xiriirka labada dal ee cadaawadu ka dhexeysey muddada dheer.



" f

Abiy Ahmed waxaa garoonka diyaaradaha ee Asmara ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Ereteeriya Isais Aferwerki, waxaana labada masuul dhex mari doona shir ku saabsan sidii labada dal ay u gaari lahaayeen iskaashi buuxa loona ilaawi lahaa colaadi u dhexeysey mudada labaatanka sano ka badan.

Labada dal midna ma sheegin in dowlad saddexaad ay dhex-dhexaadisey, waxaana hal mar dunida la yaab ku noqotey markii Abiy Ahmed ku dhawaaqey in ay Ereteeriya u celinayaan dhulkii yaraa ee ay isku hayeen ee dagaaladu ka bilowdeen, waxaa la aaminsan yahay in dalka Imaraadka carabtu uu lug ku lee yahay xiriirka labada dal in la hagaajiyo, Imaaraadka ayaa Itoobiya iyo ereteeriyaba la leh xiriir wanaagsan. Raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa ka dunwan labadii raysalwasaare ee ka horeeyey tan iyo sanadkii 1991 markii xukunka laga tuurey taliskii Mingustu, waxaana uu wadaa isbeddel weyn oo ka dhaca Itoobiya.




Galgalanews.com


Galgala TV