Muxuu [Prof Galaydh] ukala-Jeclyahay Isaaq & Majeerteen!

0
Friday July 13, 2018 - 20:19:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu [Prof Galaydh] ukala-Jeclyahay Isaaq & Majeerteen!

    Hordhac- Dagaalka Puntland & Somaliland ee ku salaysan xuudaha ay had & jeer sheegto Somaliland inay sugayso wuxuu salka ku hayaa mid Siyaasaysan oo Somaliland & Madaxdeedu ku doonayaan inay ku qariyanaa Ceebaha Siyaasadeed ee dul-hoganay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac- Dagaalka Puntland & Somaliland ee ku salaysan xuudaha ay had & jeer sheegto Somaliland inay sugayso wuxuu salka ku hayaa mid Siyaasaysan oo Somaliland & Madaxdeedu ku doonayaan inay ku qariyanaa Ceebaha Siyaasadeed ee dul-hoganaya, kana curtay doorashadii la boobay. "


Nin reer magaal ahaan jirey baa Miyi u baxay , xooluu tabcay, maalintii danbaa Sac uu lahaa Libaax ka cunay!. 
Waxa loo sheegay in Bahalkii Saciisa cunay Kayntaas ku jiro, qori buu qaatay, Kaynta agteedii intuu istaagey buu Rasaas badan oo iska hawaawi rid ah Kayntii dul mariyey, ka dibna iska tegey.!

Waxa la weydiiyey " War Bahalkii ma dishey"?

Wuxu yidhi " Maya laaakiin waxaan tusay in Saca Rag lahaa"!!!. Khudbadii Cali Galaydh ee Laas-caanood uu ka jeediyay fadhigii Baarlamaanka Khaatumo waxa uu u muuqday inuu Somaliland tusayay inuu leeyahya (Toll weyn oo Magaca Puntland huwan) wuxuu aad ugu cel-celiyay in dhalashada & Isirka Hartinimo ama daarood  lagu khalday!!

Oday Cali Khaliif wuxuu naftiisa & dadkii kulanka Joogayba Su'aalay Maxay Puntland  tallo-galyo inoo soo weydiin waydaa marka ay arrimaha Mudug xalinayaan ama Dagaal ay Galmudug ku qaadayaan isaga oo ugala jeeday inaanayba Xasuusnayn Reer Puntland Khaatumo............. Laakiin Cali waxaanu marnaba xusin markii dagaalku ka socday Kalshaale & Buuhuudle Meeshii dhaawaca loo qaadayay ee daawaduna uga imanaysay inay ahayd Magaalada Gaalkacayo & Shacabkeeda.



Maxaa iska Bedelay  Prof Galaydh.........

Su’aashanni waxay ka guuxaysaa Dubaaqa dad badan oo Somaliyeed,kuwaas oo dhegahooda ay ka badatay Dagaaladda Fool-ka-foolka ah,Weeraradda afka ah ee Warbaahinta laysu-mariyo iyo eedaymaha aan gabashadda lahayn ee dhex-mari jiray Siyaasiyiinta Laammaha Dawladda Somaliland iyo  Siyaasigga Cali Khaliif Galaydh,waxaana uu dhawr jeer faro-cidiyahood kaga baxsadday Dagaallo culus oo dhex-maray Ciidamadda Isaga u daacada ah iyo kuwa Somaliland  hadana saas oo ay tahay marnaba Cali Khaliif Galaydh ma qirayn in aanay Puntland dagaal ku hayn ee dadka Burburinayaa ay yihiin Somaliland....... Mar kasta oo uu qalabka Warbaahinta ka soo dhex muuqdo wuxuu dadka u sheegaaa in Cadowga koowaad ee reer Sool ay tahay "Puntland"


Waxaan xasuustaa Prof Galaydh oo doonaya inuu Xamar u safro oo diyaarad laga saaray Gaalkacayo walibana si fiican loo sooray lana ambabixiyay waxana hareeraha ka socday masuuliyiinta Gobolka Mudug, wakhtigaa Dr Faroole ayaa PL Madaxweyne ka ahaa oo aanay Faataxo isu dirin Reer Khaatumo laakiin garowsan inay yihiin dad Reer Puntland ah oo Somaliyeed.



Colaadda Siyaasigu Maleego

Colaadda siyaasigu curiyo lagama xafaaroobo. Lahan hore ayay soo kicisaa, laab lakac colaadeed bayna derisnimada bulshada kusoo kordhisaa. Ciil iyo calool-xumo hore leh baa is-biirsada oo bulshada ku abuurto uur-kutallo hore leh. Xiisaddaas colaadeed baa abuurta shaqaaqooyin nabadda gunta ka ridda. Colaadda siyaasigu maleego ma laha bilow iyo dhammaad midna, waxayna kala kaxaysaa busho deris ah oo is-hudhan oo dano badan wadaaga, noloshana ayana ku kala tagi karin. Waxaa magac iyo muuqaal baardheer leh yeesha siyaasiga abuura baaska, bulshaduna isaga ayay u afduuban tahay. Aqoonyahanka iyo indheer-garadka ayaa ka hortagi kara xeeladaha siyaasiga danaystaha ahu uu qabo oo bulshada dabka saara. 

Caaqibo-xumada Colaadda

"Colaadda wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta,” waa xikmad fac weyn oo soo koobaysa dhibaatooyinka colaaddu keento. Colaadu waxay siiba usii u daran tahay bulshada derisnimada kula wadaagta oo kula qaybsata xigto iyo xigaalnimo, ha noqto midda colaadda hurinaysa ama midda colaadda lagu hurinayo. Nolosha dadka inta colaaddu saamayso ayaa dhalanteed noqota, horumarinta deegaanka iyo tanaadnimada bulshadana hakis baa ku yimaada. 

Dhibaatada colaaddu waxay si gaar ah u taabanaysaa bulshda danyarteeda, sida: Dhallaanka, umulaha iyo dumarka uurka leh, naafada, waayeelka, agoonta, inta jirran, iwm. Colaadda raagta ama soo noqnota waxay dhaqanrogtaa xeerkii iyo haybaddii nabadda lagu sugi jirey. Intii colaadda damin jirtey, sida: Ugaasyada, nabadoonnada, salaadiinta, boqorrada, wabarrada, duubyada, malaaqyada, waxgardka, culumaauddinka iwm. way tabardhigaan markay ku hungoobaan xallinta colaadda soo noqnoqota. Colaadda aan damin waxay siyaasiga u tahay bandar laga hago himiladiisa. Waa u naas irmaan oo marna aan ka gurin.

Barwaaqooyinka nabaddu Kento

Nabaddu waa raaxo lagu tanaado. Waa halbowlaha nolosha waraabisa. Tacabka waxsoosaarka leh iyo talada dheellitiran ee bulshadu waxay ambaqaadaan xilliga nabad lagu daaqo. Reerku nabadda waa ku baraaraa oo ubadka dadka iyo kuwa duunyadba way ku calool-galaan wayna ku tarmaan.

Xiiso colaadeed nabad laguma dooni karo, hase yeeshee nabad baa colaad lagu damin karaa. Dhibaatada bulshada Soomaaliyeed kala fogaynsay waa qab qabdhaafsan iyo u hanqaltaag wax kororsi aan daawo loo heli karin. Colaaddu waxay kaa reebtaa tartanka horumarka iyo nimco ku noolaanshaha. Waxay bulshada baddaa halaag iyo dibu-dhac aan sahal looga soo kabsan karin. Intaba waa lasoo maray haddana laguma wano qaato. 

Kii shalay nabad la'aan la gabidhaclaynayey baa laga yaabaa inuu maanta isagu yahay kan colaadda hurinaya. Hooyadii shalay colaadda ku balanbashay baa laga yaabaa inay hadda u mashxaradayso. Agoonkii shalaby abbihiis ku dhintay baa laga yaabaa inuu maanta colaad-huriyaha hubka u sido. Maalqabeenkii shalay ku xoolo beelay xasaradda colaadeed baa maanta huraya inuu ku beelo guntintii u baxsatay. Colaaddu waxay dhalan rog ku samayso waxaa u daran nuqsaanta soo gaarta dhimirka iyo maanka dadka! Taas baan sahal looga kabsan karin.



Reer Maxaa la Gudboon Puntland-na Maxaa Wajib ku ah!


Reer Sool waxa la gudboon inay taageeraan sidii Gobolka Sool looga saari lahaa (Muranka Siyaasadee) isla markaana ay u madax-banaanadaan cida ay raacayaan Siyaasad ahaan wiilka Reer Sool ama Gabadha Laas-caanood joogta waxa ay doonaysa inay u nooladaa sida  Caruurta Hargaisa & Burco ay u doonayaan inay helaan Nabad & Iskuul...

Puntland waajib dastuuri ah ayaa ka saaran inay ilaaliso sharafta & Karaamada dadkii dhistay Puntland 20-sano isla markaana la xaqiijiyo in Dastuurka Puntland laga run sheegay oo la sugayo xuduudaha Reer Puntland.



Huseen Mataan
Galgalanews.com





Galgala TV