[Puntland] C/saaq Shirwac oo Baarlamaanka isu sharaxay 2019

0
Wednesday August 29, 2018 - 05:06:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Puntland] C/saaq Shirwac oo Baarlamaanka isu sharaxay 2019

    (London- Gaglgalanews C/saaq Maxamed Xaaji Cali oo ka mid ah aqoonyahanka Reer Pl gaar ahaan Gobolka Sanaag ayaa shaaciyay inuu rajo fiican ka qabo inuu Sanadka 2019 ka mid noqdo Baarlamaanka Cusub ee Dowlada Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(London- Gaglgalanews C/saaq Maxamed Xaaji Cali oo ka mid ah aqoonyahanka Reer Pl gaar ahaan Gobolka Sanaag ayaa shaaciyay inuu rajo fiican ka qabo inuu Sanadka 2019 ka mid noqdo Baarlamaanka Cusub ee Dowlada Puntland
C/saaq  Shirwac oo haatan ah Gudoomiyaha Jaaliyada PL ee dalka UK ayaa sheegay inuu aqbalay codsi badan oo uga yimi Bulshada Deegaanka Sanaag oo kula taliyay inuu aqbalo inuu Baarlamaanka PL isu sharaxo,waxana uu qeexay inuu dhawaan dalka tegi-doono hadii alle idmo.

C/saaq Shirwac oo ah Aqoonyahan mudo badan  Siyaasada aad uga faaloon-jiray gaar ahaan kuwa PL hase ahaatee aan wax xil ka qaban Dowlada PL 20-kaa sano ee ay Jirtay.



Shirwac waxa uu ka soo jeedaa Qoys caan ka ah Guud ahaan Puntland waxana adeer u ah Ambassador Cumar Xaaji Cali Shirwac oo ah Masakaxdii ka danbasay inuu Dalka Kuwait ka soo dhirin-dhiriyo Mashaariicda Garoonka Diyaaradaha caasimada Garoowe & Jaamacada Magaalada Badhan.

Aabihii Coll Maxamed Xaaji Shirwac (Aflul) AHN wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii Booliska ee Dalka Somaliya isaga oo kaalin weyn ku lahaa dhismhii & yagleelidii ciidmada Booliska Puntland wakhtigii Gen Cade Muuse xukuumadiisii.

Baarlamaanka Puntland ayaa lakala dirayaa Sanadkan Bisha 12- waxana dib loo soo xulayaa 66- Xubnood ee meteli lahaa Beelaha Puntland, Gobolka Sanaag ayaa Xubnahaasi ku leh 9-Xubnood kuwaasi oo aan qaarkood la bedelin tan & aas-aaskii Puntland.


Ahmed Mohamed 
Badhan-Galgalanews,com
Galgala TV