Ciidamada Booliska oo Suuqa Bakaaraha ku qabtay rag burcad ah oo mid la dhaawacay

0
Wednesday October 24, 2018 - 14:37:43 in Wararka by Galgala News
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska oo Suuqa Bakaaraha ku qabtay rag burcad ah oo mid la dhaawacay

    -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-


Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, ciidamada Booliska ayaa qabtay laba nin oo Burcad ah oo mid ka mid ah bistoolad uu watay.

Raggaan ayaa lagu qabtay wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha, xilli halkaasi ay dhac ka gaysteen, kadibna ay isku dayeen inay ku baxsadaan Mooto Bajaaj ay wateen.


Ciidamada Booliska oo isku dayay inay qabtaan raggasi ayaa waxa ay sameeyeen iska caabin, waxaana sidaasi lagu dhaawacay mid ka mid ah ragii burcadda ahaa.

Intaasi kadib ayaa ciidamada waxaa u suuragashay inay gacanta ku dhigaan raggii Burcadda ahaa iyo Mooto Bajaajtii ay wateenoo ay ku qabteen wadada labaad Suuqa Bakaaraha, agagaarka Daarta Dahabshiil.

Booliska Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen beegsiga ay ku hayaan ragga burcadda ah ee dadka dhaca u gaysta.

XIGASHO:UNIVERSAL TV

Galgala TV