Culimada Soomaaliyeed oo baaq kasoo saartay dagaalka ka socda Gobolka Sool

0
Thursday October 25, 2018 - 14:41:01 in Wararka by Galgala News
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culimada Soomaaliyeed oo baaq kasoo saartay dagaalka ka socda Gobolka Sool

    -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-

Hay’adaha Culimada Soomaaliyeed oo ka kooban Majmaca Culimada iyo hay’adda Culimada iyo Golaha guud ee Culimada Soomaaliyeed ayaa Maanta bayaan kasoo saaray dagaalka ka socda degaanka Dhumay ee Gobolka Sool.

Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo Sheikh Maxamed Cabduqaadir Soomoow ayaa Dowladda Soomaaliya iyo Maamullada Soomaaliland iyo Puntland ugu baaqay inay u istaagaan joojinta colaadda.

Sheekh Nuur Baarruud Gurxan, Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Culimada iyo Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdi Baarri oo ah Guddoomiyaha Golaha guud ee Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dhibaatada laga dhaxli karo dagaal sokeeye.

Culimada ayaa xusay waxyaabaha laga dhaxli karo Adduun iyo Aakhiraba colaad iyo dagaal sokeeye oo laga aamuso iyo cawaaqibka xun ee ka dhalan kara, waxayna wada jir u sheegeen in la qaboojiyo dirirta iyaguna ay goobta tegi doonaan.

Sheekh Cali wajiis oo ku hadlayay Codka Culimada ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb qaadshada xallinta colaadda ka aloosan degaanka Dhumay, wuxuuna soo jeediyay in la sameeyo gurmadyo dhan walba ah oo xaaladda lagu qaboojinayo.

Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay baaq kan la mid ah ugu soo saartay dagaalka sokeeye ee ka soconaya degaanka Dhumay ee Koofurta Gobolka Sool.

XIGASHO/SONNA

Galgala TV