(Dhegeeyso)Bosaaso oo Sadex Cisho Kaluun la'aan ah

0
Wednesday March 06, 2019 - 21:58:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Dhegeeyso)Bosaaso oo Sadex Cisho Kaluun la'aan ah

    Magaaladda Bosaaso ayaa Waxaa sadexdan Casho ee lasoo dhaafay ka jirtey Banaanbaxyo ay dhigayaan kaluumaystada Magaaladaasi kadib markii dawladu horay u joojisey in Lajoojiyey Kaluunkii lagu gadi jirey Xarunta Necfish oo ah Meesha horay kuluunka loog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaaladda Bosaaso ayaa Waxaa sadexdan Casho ee lasoo dhaafay ka jirtey Banaanbaxyo ay dhigayaan kaluumaystada Magaaladaasi kadib markii dawladu horay u joojisey in Lajoojiyey Kaluunkii lagu gadi jirey Xarunta Necfish oo ah Meesha horay kuluunka looga iibsan jirey oo ku taal Gawga Dekeda,
Waxan Dawladu sheegtay in suuq loogu talagalay laga dhisay Suuqa Dhexdiisa halkaasna oo gancstada kaluunka lagu amray in ay u guuraan goobtaasi oo ka soo horjeeda Taliska Qabta Policeka Bosaaso,

Dhismahaa oo masuuliyiinta Degmada Bosaaso iyo Wasiirka wasaarada Dekedaha Puntland ay sheegeen in ay u dhamastiranyihiin adeegyadii asaasiga ahaa ayaa waxaa horay xariga uga Jaray Madaxweynihii Hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Kadib Amarka Masuuliyiinta Dawlada ayaa waxaa arintaa Ka soo horjeestay Kaluumaysta Bada ka soo jilaaba iyo Dadka ka ganacsada ee ku iibin jirey Necfish, waxan ay banaanbax ka dhigeen magaalada Dhexdeeda,


Banaanbaxan oo ka Ilbaxsanaa kuwii hore ayaa waxaa Xasiigyo la dhigtay Wadooyinka dhexdooda, waxaan istaagey Socodka gawaarida u socda Dekeda iyo Wasaaradaha ka dib markii ay dadkii Banaanbaxayey Gogogshooda dhigteen Aargada gaaca oo ah Dawlada hoose horteeda.
Gudoomiyaha iskaashatada Kaluumaytada oo horay u hadala ayaa sheegay in halkaa aan laga guuri kari waxan uu ku Sababayey Arin la xidhiidha ku dhowaanshaha Bada oo uu sheegay in Siximaduhu Si sahlan kaluunka u keenaan.

Dawladda ayaa Xiritaanka gundhig uga dhigtay amaanka iyadoo Dadka ku Amartay in si loosugo amaanka Dekeda iyo bilicda ay u guuraan dhismahaa oo ku yaal Beriga, siximaduhuna aaney kaluunka genkarin hadaan gaadiidkalle la siisaarin Walin ma jiro war ka soo baxay Dawaladda tan iyo intii ay diideen arinka Dadka kaluunka ka ganacsada.

Necfish oo ayaa ku taal Gawga Dekeda waxaan Sahaln in ay Jilaabtadu kaluunka keenan si sahlan maadam ay ku taal bada gawgeeda, Waxaa sidoo kalle goobtan gaadiika ku xidha Siximadleyda Bosaaso maadaam laga joojiyey in ay Dekeda ku xidhaan, Waxaan goobtan horay uga dhacay Dilka Masuulkii shirkada Maamusha Dekeda ee P&O Port.

Galgala TV