Daaw) Qodobada Shirkii Xukuumada Puntland

0
Thursday March 14, 2019 - 19:05:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daaw) Qodobada Shirkii Xukuumada Puntland

    Madaxweynaha Puntland oo Soo Xirey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda. Maarso 14, 2019, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xirey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Dowladda Puntland oo sadexdii ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland oo Soo Xirey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda. Maarso 14, 2019, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xirey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Dowladda Puntland oo sadexdii maalmood ee ugu dambeysey ka socdey xarunta Wasaardda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Magaalada Garoowe.

Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan Golaha Xukuumadda.

Madaxweyne Deni oo soo xiray shirka ayaa ka jeediyey khudbad taariikhi ah, waxa uu Madaxweynuhu Mahad ballaadhan u jeediyey masuul walba oo ka qayb qaatay hirgelinta shirka.

Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland ayaa dhankiisa bogaadiyey qaabka wanaagsan ee uu usoo dhammaaday shirku, waxaana uu xoojiyey qorshaha Madaxweynaha Puntland ku hirgeliyey yoolaalkii uu ku galay doorashada, taasi oo bud-dhig u ah dhammaystirka Jihaynta siyaasadda Xukuumadda Cusub ee dawladda Puntland.


Ugu dambeyn, Madaxweyanaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaahaado sharaf guddoonsiiyey qaar ka mid ah shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah oo marti galisey shirkan iyo hay'adda Sidra oo shirka qayb muhiim ah ka qaadatay.


Galgala TV